Ilhaan Cumar oo gacan ka gaysatey in la meelmariyo sharci anfacaya Muslimiinta (Hal iin oo ku jirta)

0

(Washington, DC) 15 Dis 2021 – Xildhibaanadda Ilhaan Cumar oo Aqalka Wakiillada ee Koongarayska ku metesha Minesotta ayaa gacan ka gaysatey meelmarinta xeer lagula dagaallamayo Islaam nacaybka.

Xeerkan oo la yiraahdo La Dagaallanka Islaam nacayka Caalamiga ah ayaa shalay la meel mariyey.

Wuxuuna kusoo beegmayaa xilli ay isa soo tarayaan aragtiyaha siyaasadeed ee ku dhisan soo galooti iyo Islaam nacaybka oo ay inta badan diiradda saaraan dadka horseedka u ah xisbiyada siyaasadeed ee Galbeedka.

Maraykanka ayaa ka mid ah meelaha ugu daran isagoo marka laga soo tago dagaallada uu ku burburiyey dalal badan oo Muslim ah oo ay Somalia ku jirto misna uu soo maray MW isku soo sharraxay inuu Muslimiinta ka mamnuucayo soo gelitaanka Maraykanka, kaasoo ahaa Donald Trump.

Yeelkeede, xeerkan laftiisa ayay fari ku godan tahay waayo ma aha xeer maxalli ah oo Maraykanka gooni u khuseeynayee waa mid caalami ah, taasoo aan wax badan ka tarayn gudaha Maraykanka, dibeddana adkaynaysa in laga dhaqangeliyo.

Hadalsame Media