COVID-19: Tallaal cusub oo aan wax cirbad ah loo adeegsanayn oo la tijaabiyey (Daawo)

0

(Hadalsame) 15 Dis 2021 – Waxaa bilowday tijaabo tallaal nooc cusub oo lagula tacaalo Covid-19 oo aan cirbad loo adeegsanaynin kaasoo wax ka taraya noocyada dhalan-rogan ee mustaqbalka.

Tallaalkan oo isaga dhanba ka kooban wax sidii aaryo u samaysan ayaa waxaa diyaariyey  Prof Jonathan Heeney oo ka socda Cambridge University islamarkaana ah madaxa DIOSynVax.

Dadka tijaabada ka qayb qaadanaya oo u dhaxeeya 18-50-jir ah ayaa taga xarunta cilmi-baarista caafimaadka ee NIHR Southampton Clinical Research Facility.

Prof Heeney ayaa sheegay in loo baahan yahay “tiknolojiyad cusub oo wax ka tarta cudurkan is bedeleya markasta.”

Wuxuu intaa raaciyey in tallaalka DIOS-CoVax, oo adeegsanaya farsamo cusubi uu daafac ka adag tallaalada kale uu siinayo dadka ka cabsanaya karoonaha iyo cudurrada kale.

Hadalsame Media