
(Muqdisho) 13 Dis 2021 – Xiriirka kubada Cagta Somaliy, ayaa sheegay in shaqadii ka joojiyeen Guddoonkii Xiriirkaasi, Cabdiqani Siciid Carab, kaasoo lagu eedeeyay inuu ku tagri falay awooddaha xiriirka oo uu muddo dheer iska haystey.
Waxaa eedaha shaqada looga joojiyay guddoomiyaha ka mid musuqmaasuq lagu sameeyay mashaariic ay FIFA maalgilisay oo laga fuliniyay magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.
Yuusuf Muxuyudiin Axmed, Xoghayaha Xiriirka kubbada Cagta, ayaa sheegay in xilka guddoomiyaha si kumeel gaar ah loogu dhiibayo Guddoomiye Xigeenka Xiriirka.
Wuxuu intaa raaciyey in la magacaabay guddi baaris ku sameeya eedaha loo haysto Guddoomiye Cabiqani Siciid Carab, kuwaasoo muddo bil iyo bar ah ay kusoo gudbin doonaan natiijada baaritaanka eedaha taagan.
Dhinaca kale, xiriirka kubada cagta ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aan uu Cabdiqani Siciid Carab ku magacaabay xoghaye cusub oo uu ka dhigay Shaafici Max’uddiin Abokar Isloow, oo horey xiriirka ugu qaybsanaa dhanka saxaafadda.
Sanado badan ayaa Cabdiqani lagu eedeeynayey musuq iyo maamul xumo dhanka xiriirka ah, iyadoo uu xirirku gebi ahaanba ka hoos baxay Guddigii Olombikada oo aad u daciifay tan iyo markii ay meesha ka bexeen madaxdii hore ee waaya aragga ahayd.
Hadalsame Media