(Hadalsame) 13 Dis 2021 – Shirkadda duullimaadyada ee Flydubai ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday inay dib u bilaabi doonto duulimaadyadeedii magaalada Hargeysa ee Somaliland laga bilaabo 18-ka bishan Diseembar.
Duulimaadyadan dalka ayaa si ku meel gaar ah horay loogu hakiyay sababo lagu sheegay kuwo ”shaqo awgeed.”
“Waxa aanu rajaynaynaa in aanu si dhow ula shaqayno Maamulka Duulista iyo Garoomada Somaliland iyo hay’adaha kale ee sharciyaynta si aanu u bixinno fursad ku habboon safarka Dubia iyo wixii ka dambeeya iyada oo la adeegsanaayo adeeg todobaadle ah oo saddex jeer ah.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Flydubai.
Flydubai ayaa waxa lagu wadaa inay saddex duullimaad todobaad kasta ku tagto Garoonka Hargeysa Egal International Airport (HGA).
Hadalsame Media