(Hadalsame) 11 Dis 2021 – Machadka Daraasaadka Daafaca oo hoos taga TUBİTAK – oo ah Golaha Daraasaadka iyo TiknolojiyaddaTurkey, oo kaashanaya DASAL Aviation ayaa soo bandhigay daroon qumaati u kaca oo lagu rakibay moortar 81-mm ah.
Daroonkan ayaa samayn kara duqayn saxan oo shiishkeeda la hubo oo cirka ah, sida lagu qoray Defense Express.
Muuqaal lasoo bandhigay ayaa muujinaysa Kargo-150 Octocopter, oo la sheegay in ay gaari karto 40 km isla markaana ay qaadi karto canaab gaaraysa 150 kg, iyadoo howlgeli karta habeen iyo maalin, iyadoo sidda 4 moortar oo ah 81-mm.
Weliba madfaca ku xiran ee Togan ayaa qaadan kara madaxyo kala geddisan, taasoo saamaxaysa in la doorto nooca rasaas ee aad u baahan tahay si aad xaaladda taagan u waafajiso duqaynta aad samaynayso, waxaana shiishka caawinaya hannaanka si wanaagsan loosoo xisaabay oo ku shaqeeya algorithm oo gacan ka gaysanaya saxnaanta shiishka.
Hadalsame Media