”LA DEGI MAAYO SODDOHDEY!” – Maxaa qaaday qiyamkii QOYSKA Soomaaliyeed?! (Falanqayn)

0

(Hadalsame) 08 Dis 2021 – MAXAA QAADAY QIYAMKII QOYSKA SOOMAALIYEED? Muddaba waxaa sii baaba’ayey qiyamkii qoyska, marka in la maqlo gabar madal lasoo istaagaysa inaysan ixtiraami doonin hooyada ninka qaba waxay muujinaysaa hoos u dhacaas muddada socdey.

Aroosyada ayaad ku arkaysaa gabar ku dhex niikinaysa arooskeedii, ninkii guursadey oo dadkii xilka ahaa ku dhex jiijiidaya, furriin la dhiirigelinayo amaba loo dabbaaldegayo oo xaflado loo qabanayo, dad is furay oo iska daba qaylinaya ama wax xun iska duubaya ama faafinaya, dadkii xilka ahaa oo aan kala waabanaynin iwm.

 
Qoysaska qaar marka aad eegto waxay u nool yihiin qaab foowdo ah iyadoo aan la aqoonin ciddii qoyska hoggaaminaysa, micnuhu ma aha in la isku amar ku taagleeyo, balse waxaa waajib ah inuu ninku noqdo mas’uulka guriga iyo in wax la iska maqlo oo la is ixtiraamo.
 

Rag badan ayaan xil gudan, xil isa saarin ama aan xaasaskooda ka warqabin, halka dumar badani aysan raggooda ula dhaqmin ama u cisaynin sidii ninkeedii waajibka ku lahaa. Waxaana marar badan taagan doodo aan micne badan ku fadhin oo ku dhisan ”sagaaro biyo ma cabtaa mise.?”

Mararka qaar markii la isku dayo in la xalliyo arrintan faraha kasii baxaysa oo hadhoow halista gelin karta xitaa jiritaanka ummada, waxay dooddu ku dhamaataa is eed eed iyo ragga ayaa gar daran ama mayee dumarka ayaa eelka wada, halkii dhibka & xalka loo eegi lahaa qaab moowduucu ah (objective).

Sababaha ugu wacan baaba’an ku socda qoyska Soomaaliyeed oo durba natiijadiisa xun loo jeedo maadaama ay badan yihiin carruur u silicsan kala tagga waalidkood waxyaabo badan ayaa loo sababaynayaa.

Waxaana arrintaa gacan ku leh dumar aad diiradda u saara ama ku yara xag-jiroobey mawaadiicda dhedigoodka ee qurbaha ka jira & rag aan iyaguna ogolayn xitaa xuquuqaha caadiga ah ee dumarka oo ay biyo hoostood iska haraatiyaan.

Dadka qaar ayaa sababta ku sheegaya qurbaha la iska soo galay iyadoo lakala daadsan yahay, dad aan markii hore si wanaagsan loosoo tarbiyayn oo laftooda laga yaabo inay ka yimaadeen qoysas dunsan (broken families), qurbaha oo dad badan siiyey fursado ay isla xisaabtankii qoyska uga fakadaan, iyadoo ay waalidiinta qaarkood dhiirrigeliyaan qiyam-xumada ilmohooda iyagoo qiimeeya midkii lacag siinaya oo qura wax kastaba ha sameeyee, inta kalena aan warba ka dhegeysan & dad dhaqamo kale oo horay u fashilmay u guuxaya iwm.
 
Aragtiyahaasi waxay sidoo kale saamayn ku yeesheen xitaa qaar ka mid ah qoysaskii dalkii joogey oo ay dadku qiimaynayaan ama doonayaan inay noloshooda ku saleeyaan aragtiyo indho-ku-garaadlenimo ah (shallow), sida waxyaabo meelo laga akhriyey ama musalsal laga daawaday.
 
Yeelkeede, dadka koonfur bari Aasiya oo ay qaarkood 200 oo sano qurbaha joogaan weli qoyskoodu ma burbursana, hadda maxaa ku dhacay Soomaalida oo inta badan qurbaha joogta 30 sano?
 

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media