”Waxaa dadka wada koow ha ah iyada!” – Qarreenad eed culus u jeedisey Ilhaan Cumar (Daawo)

0

(Hadalsame) 07 Dis 2021 – Brooke Goldstein oo ah qarreen dhanka ”xuquuqul insaanka ah” ayaa weerar ku qaadday Xildhibaanadda Minnesota ee Ilhaan Cumar oo ay ku eedaysey inay qayb ka tahay wax ay ku sheegtay ”Yuhuud nacayb abaabulan.”

“Hadda kaddib Yuhuud nacaybku maba aha wax meel yar ku koobane waa hannaan abaabulan. Waxayna ka imanaysaa siyaasiyiin ay ka mid yihiin Ilhaan Cumar, taasoo Yuhuud Maraykanka ku eedaynaysa inay leeyihiin daacadnimo qaybsan,” ayay tiri haweenaydan oo Agaasime ka ah Lawfare Project oo u doodda Yuhuudda, mar ay u warrantay “Fox News Live.”

Waxay intaa raacisay inay ka walaacsan tahay in “dhaqankaasi uu ka imanayo qof maanta Maraykanka awood ku leh” iyadoo sidoo kale farta ku goddey qaar ka mid ah asxaabta Cumar kula jira Dimoqraadiga.

Ilhaan ayaa markii ugu horreeysey waxay kooxo muxaafid ihi ku shideen qoraal ay horay u samaysay oo ku saabsanaa in xiriirka Israel iyo Maraykanka iyo dhibaatooyinka lagu hayo Falastiiniyiinta, iyadoo nacaybka loo muujiyey Ilhaan uu kun jeer ka badnaa midka iyada lagu eedeeynayey.

Hadalsame Media