Haweenay Soomaali ah oo rikoodh cusub ka dhigtay Maraykanka (Dhegeyso)

0

(Maine) 07 Dis 2021 – Deeqa Cabdi Dhalac oo ah gabar Soomaali ah ayaa shalay qabatay xilka duqa magaalada South Portland ee gobolka Maine ee dalka Maraykanka oo ah magaalada afraad ee ugu weyn gobolkaas.

Deeqa oo ka mid ah toddoba xubnood oo lasoo doorto oo uu ka kooban yahay golaha degaanka magaaladaas ayaa noqonaysa gabadhii ugu horraysay ee Soomaali ah oo qabata xilka duqa magaalo dalkan.

Waxay deeqa u warrantay Maxamed Cabdi Sandheere oo ka tirsan Idaacadda VOA laanteeda af Soomaaliga ee hoos ka dhegeyso.

Hadalsame Media