(Muqdisho) 06 Nof 2021 – Shiinaha ayaa Somalia gaarsiiyey deeq ka kooban tallaalka Covid-19 ee Shiine-sameega ah oo gaaraya nus milyan kuuro iyo nus milyan saliingo oo ah cirbadaha lagu qaato.
Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho oo deeqdaa ku wareejisey saraakiil ka socota DF Somalia, gaar ahaan Wasiiradda Caafimaadka, ayaa sheegtay in shixnaddani ay qayb ka tahay ballanqaad caalami ah oo uu sameeyey MW dalkaasi Xi Jinping, kaasoo dalalka saboolka ah lagu gaarsiinayo tallaalka.
”Ilaa 2 bilyan oo kuuro ayaan dunida gaarsiinaynaa dhamaadka 2021, kuwaasoo 1.85 bilyan oo ka mid ah aan durba gaarsiinney 120 dal iyo ururro caalami ah, taasoo Shiinaha ka dhigtay dalka ugu wayn ee tallaalka ku deeqa.” ayay tiri Safaaradda Shiinaha ee Somalia.
Si kastaba, Somalia ayaa ka mid ah dalalka caalamka ugu liita dhanka kaabayaasha caafimaadka iyadoo aysan jirin hal cirbad oo ay soo iibisey DF Somalia oo sidoo kale lagu dhaliilo in aysan si cadaalad ah u qaybin amaba la musuqo deeqahan aadka u yar ee aan wax badan ka tari karin tallaalka dalka looga baahan yahay.
1/3 Today, H.E. Amb. @FeiShengchao handed over to H.E.@AbikarDr half a million doses of #Sinopharm COVID-19 vaccines and half a million syringes in donation, in the company of H.E.@duranfarah and Dr.Ayoya @unicefsomalia. pic.twitter.com/5jI6vWkU8s
— Chinese Embassy in Somalia (@ChineseSomalia) December 5, 2021
Hadalsame Media