(Hadalsame) 06 Dis 2021 – Max’ed Cabdullaahi Ciise, Agaasimaha Madaxtooyada Somalia, ayaa faafiyey sawirrada kulan ay la qaateen wefdi Shiinays ah oo uu hoggaaminayo Danjiraha dalkaasi ee Somalia, FEI Shengchao.
”Shiinuhu wuxuu dalkeenna la yahay jaal dhanka horumarinta waxaana dhararaynaa inaannu samayno iskaashi ka xooggan oo istaraatiji ah dhanka adeeg bixinta meelaha muhimka ah.” ayuu soo qoray.
Marka ay halkaa taagan tahay ayay mar qura kusoo jabeen dadwaynihii Soomaaliyeed oo intooda badani saluug waxqabadka Shiinaha ku saabsan iyo digniin ku socota DF Somalia mar qura kulmiyey.
”Somalia hadda ayay kasoo waaqsanaysaa qaamo sanado badan lagu lahaa mana u baahna in xaalad kasii daran la geliyo oo Shiinaha loo qaameeyo haatan. Dalalka Mozambique, Zambia, Uganda & Kenya ayaa tusaale wanaagsan noo ah.” ayay soo qortay gabar magaceeda ku koobtay Saciida.
Dadka oo inta badan gabadhan u aragti dhowaa ayaa deeto DF uga digey inay dalka gorodda u geliso qaamaha uu Shiinuhu la ordayo oo in badan ay eedeen dalalka Afrika iyo kuwa kale ee saboolka ah ee dunidu, kuwaasoo inta badan xambaarsan in si sahal ah lagu qaato khayraadka ama kaabayaasha dalkaa loo dhisay laftooda.
It has been a great pleasure to engage China’s @ChineseSomalia Ambassador H.E FEI Shengchao. China remains a great development partner for our nation and we look forward to forging a strong strategic partnership for greater service delivery to Somalia in key priority areas. pic.twitter.com/Fm1jdDWJaK
— Mohamed Abdilahi Isse (@VillaSomaliaCoS) December 5, 2021
Hadalsame Media