
(Siirt) 05 Dis 2021 – Bam wayn ayaa laga soo saaray gaari uu gaar u leeyahay sarkaal booliis ka ah degmada koonfur bari ee Nusaybin oo ka tirsan Mardin, kaasoo ka mid ahaa saraakiisha amaanka ku qaybsanayd dhacdo laga qorsheeyey gobolka Siirt oo uu ka qaybgeli lahaa MW Recep Tayyip Erdoğan.
Qaraxan oo gacan samays ah ayaa la hoos geliyey gaarigan oo meel yaalla, iyadoo sarkaalka lihi uu ka tirsan yahay Ciidanka Rabshadaha la Dagaallama ee Nusaybin oo dhacda xadka Suuriya-
Sarkaalka ayaa gaariga wadi lahaa 200km, ilaa uu ka gaarayo woqooyi bari Siirt, halkaasoo uu Erdoğan meel furan kula hadli lahaa dadwayne badan.
Markii bamba la arkay ayaa waxaa meesha loo diray unug ka tirsan miino saarka, kuwaasoo qaab koontoroolan u burburiyey.
Waxaa soconaya baaris ku saabsan soo helitaanka ciddii bamkan ku tallaashay caloosha gaariga.
Hadalsame Media