(Roma) 05 Dis 2021 – Antonio Cassano ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uu usoo diray farriin uu uga codsanayo ‘inuu xushmad u muujiyo’ guulaha uu gaarey xilli uu Cassano aad u dhaliilay laacibka Manchester United.
Cassano ayaa aad u dhaliilay farsamada Ronaldo, isagoo ku adkaysta in laacibka Paris Saint-Germain ee Lionel Messi uu aad uga fiican yahay jookarka reer Portuguese kaddib markii uu Messi hantay Ballon d’Or Isniintii.
Football Italia ayaa qoray in Ronaldo uu lambarka Cassano kasoo qaatay Gianluigi Buffon isagoo farriin qoraal ah uga cowday in warka uu ka sheegayo aysan xushmad badani ku jirin.
”Isagu (Ronaldo) wuxuu iga codsaday inaan xushmeeyo goolasha uu uu dhaliyey iyo guulaha uu gaarey, balse aniguna kama biqine waxaan ugu jawaabey runta: waxaa jira hal Ronaldo (Brazilian) iyo in Messi isaga ka wanaagsan yahay,” ayuu yiri Cassano.
”Warkii ayuu sii waday oo wuxuu sheegay inuu lacag haysto oo uu dhaliyey goolal badan halka aan anigu ka dhaliyey 150 gool. Cristiano wax kasta oo nolol ah waa haystaa, balse waa inuu is dejiyaa oo aanu ku mashquulin qof kasta oo wax ka sheegaya ee uu iska noqdaa sida Messi.” ayuu raaciyey Cassano oo sheegay inay jiraan 50 laacib oo uu ka jecel yahay Ronie, balse aanu xushmad darrayne uusan kaliya jeclayn.
Cassano ayaa xitaa beri dhowayd sheegay in Ronaldo uu yahay anaani daniiste ah oo aan u dedaalin kooxdiisa, xilligii uu ku sugnaa kooxda Juve, isagoo mar kale sheegay in aanu xitaa ka tirsanayn 5-ta laacib ee ugu wanaagsan caalamka abid sida Messi, Pele, Diego Maradona, Johan Cruyff iyo Ronaldo (Brazilian).
Hadalsame Media