”Ruushka laga yeeli maayo dulmiga uu wado!” – Wasiir Dibadeedka Maraykanka (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 03 Dis 2021 – Maanta waxaa soo xirmaya shir-madaxeedka Ururka Ammaanka & Iskaashiga Yurub ee OSCE kaasoo ka dhacaya afaafka Stockholm ee Arlanda, waxaana kulankaa oo lagu lafa gurayo khilaafaadka haatan ka oogan qaaradda Yurub ka hadashay Wasiir Dibadeedka Sweden ee Ann Linde oo shirka martigelinaysa.

Wasiir Dibadeedka Maraykanka ee Antony Blinken ayaa warbaahinta la hadlay.

‘’Si cad ayaannu u sheegnay walaaca qotada dheer ee aannu qabno iyo ballankeenna ku aaddan in Ruushka lagula xisaabtamo ficilkiisa, taasoo ay ku jirto sida aannu ugu heellan nahay in aannu la shaqayno xulufadeenna Yurub si tillaabo adag looga qaado Ruushka haddii uu sii wado gardarrada.

Haddaba Ann Linde ayaa si gaar ah u eegtay khilaafka Ruushka oo ciidamo badan soo dhoobay xadka Ukraine iyo dalkaa oo arrintaa ka cowdey, kaasoo ay xitaa luuqad adag oo dhanka diblomaasiyadda ah isku waydaarsadeen Maraykanka iyo Ruushku.

“Codka ay ku wada hadlayaan Ruushka iyo Maraykanku waa mid aad u afaysan, shirkanna waannu ku aragnaa middaas. Waxaanse rajaynaynaa in marka ay fool ka fool isu arkaan uu xaalku dhaami doono marka farriimo la hawada la isu mariyo, ayay tiri.

US Secretary of State Antony Blinken (L) and Russian Foreign Minister Sergei Lavrov shake hands as they greet each during their meeting on the sidelines of the Organization for Security and Co-operation in Europe (OSCE) meeting in Stockholm, on December 2, 2021. – The US Secretary of State Antony Blinken hold talks with his Russian and Ukrainian counterparts on the sidelines of a meeting of the Organization for Security and Co-operation in Europe (OSCE) (Photo by Jonathan NACKSTRAND / POOL / AFP) (Photo by JONATHAN NACKSTRAND/POOL/AFP via Getty Images)

Hadalsame Media