(Isparta) 29 Nof 2021 – Waxaa shalaytoole tababar magaalada Isparta ee dalka Turkiga loogu soo xirey Ururka 9-aad ee hoos taga Guutada 18-aad ee Komaandooska Somalia oo halkaa kasoo aflaxay.
Haddaba, Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay nooca uu ahaa tababarka la siiyey ciidankan.
”Ciidamadani waxay dhamaysteen koorso ku saabsan tababarka asaasiga ah ee Komaandooska, taasoo ku saabsan la dagaallanka argagixisada oo ay ku qaateen xarunta layliga ciidanka ee Isparta.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay WG.
Waxaa halkaa joogey Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage oo beri dhowayd Turkiga gaarey. Ciidankan ayaa dhowaan loo duulinayaa dalka Somalia.
Isparta’da bulunan Terörizmle Mücadele Eğitim ve Tatbikat Merkezi Komutanlığının “Komando Temel Kursu”nu başarıyla tamamlayan Somalili misafir askerî personel için “Kurs Kapanış ve Bröve Töreni” gerçekleştirildi.#MSB pic.twitter.com/gVGtNxC7Au
— T.C. Millî Savunma Bakanlığı (@tcsavunma) November 28, 2021
Hadalsame Media