Xisbi Swedish ah oo soo jeediyey in shahaadada Covid-ka lagu xujeeyo dadka imanaya makhaayadaha (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 19 Nof 2021 – Xisbiga Moderaterna ayaa soo jeediyey in shahaadada ama haddii sida kale loo yiraahdo baasaboorka Covid-19 aan kaliya lagu ekaynin tiyaatarrada iyo goobaha lagu ciyaaro balse sidoo kale lagu xujeeyo makhaayadaha tusaale ahaan.

Camilla Waltersson Grönvall (M), ayaa qabta in haddii aysan dowladdu dadka ku tirtirsiinin adeegsiga shahaadada Covid-ka, ay taasi keeni karto halis iyo xadidaado cusub.

Camilla Waltersson Grönvall (M) oo Ekot u warrantay ayaa su’aal ka qabta sababta loo kala fadilayo meelaha ay iskugu imanayaan dad boqol dhaafaya.

”Dowladda ayay tahay inay ka jawaabto farqiga u dhexeeya 101 qof oo meel dhacdo ah jooga iyo 101 qof oo makhaayad ku sugan.” ayay tiri Camilla.

Hadalsame Media