XOG: DF Itoobiya oo Turkiga ka heshay daroonno casri ah

0

(Addis Ababa) 17 Nof 2021 – Itoobiya ayaa Turkey-ga ka heshay Lix diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee (Drones) ee Bayraktar TB2, sida ay daabacday mareegta Intellegence.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa bishii hore daabacday in Itoobiya ka codsatay dalka Turkey-ga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2.

RW Abiy Ahmed, ayaa bishii Agoosto wuxuu heshiis ammaan la galay dalka Turkiga.

Taas ayaa keenaysa in lagu qalabeeyo dayuuradahan casriga ah.

Hadalsame Media