(Hadalsame) 17 Nof 2021 – DF Somalia ayaa soo xasilisay dal cusub oo ay Soomaalidu ku dhowaad fiise la’aan ku geli karaan.
Dowladda Bangladesh ayaa oggolaatay in muwaadiniinta Soomaaliyeed dal-ku-galka dalkaas laga siiyo garoomada diyaaraha waddaankaas (On arrival visa).
Tillaanadan ayaa xigtey kaddin kulan rasmi ahaa oo dhexmaray Wasiiru Dowaha Arrimaha-Dibedda DF Somalia, Md. Balal Cusmaan iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Bangladesh DR A K Abul Momen.
Labada Wasiir ayaa ku kulmay shir-doceed xilli ay ka wada qaybgelayeen shirka 23-aad ee waddamada ku midaysan IORA oo ah urur ay ku jiraan wadamada kulaala Badweynta Hindiya.
Bangladesh ayaa waxaa waxbarasho iyo ganacsiba u taga Soomaali fara badan.
Hadalsame Media