SWEDEN: Ciidamada Millateriga oo markii ugu horreeysey adeegsanaya farsamo ku cusub (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 17 Nof 2021 – Ciidamada Xoogga Dalka Sweden ayaa ka baaraandegaya qorshe cusub oo ay ku eegayaan suurtagalnimada inay hawada u diraan dayax-gacmeedyo wax basaasa ama maareeya isgaarsiinta.

Waxaa arrintaa ka hadlaya Abaanduulka Ciidanka Sweden, Micael Bydén. “Waxaan horteeyda ka arki karaa dayax-gacmeedyo yar yar oo aanu adeegsan karno waqti gaaban annagoo u dirayna aag xaddidan iyo qorshe kooban, ayuu yiri.

Ciidanka Cirka Dalka Holland ayaa xagaagii cirka u diray dayax-gacmeedkii ugu horreeyey kaasoo la yiraahdo Brik 2, halka Sweden ay 2019-kii daraasad dhanka dayax-gacmeedyada ah la bilowday Maraykanka, balse weli ma dirin wax dayax-gacmeed ah.

Hadalsame Media