Dad 10 qof ka badan oo ku waxyeelloobey aroos loo weerar muusig laga shiday dartii (Dhimasho jirta)

0

(Kabul) 31 Okt 2021 – Rag hubeysan oo isku magacaabay Taalibaan ayaa weerar ku qaaday aroos ka dhacayay bariga dalka Afgaanistaan ​​si ay u joojiyaan muusiga halkaas ka shidnayd.

Waxaa halkaasi ku dhintay ugu yaraan 2 qof halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay saraakiishu warbaahinta u sheegeen.

Afhayeen u hadlay Taaliban ayaa sheegay in labo ka mid ah saddexda nin ee hubeysan la xiray balse waxa uu beeniyay in ay matalyeen magaca dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah.

Muusigga ayaa la mamnuucay markii ay Taalibaan dalka xukumayeen 1996 ilaa 2001-dii.

Maamulka cusub ayaan wali soo saarin wareegtadan oo kale. Goobjooge ayaa BBC-da u sheegay in afar lamaane uu arooskooda ka dhacayay degmada Surkh Rod ee gobolka Nangarhar.

Lammaanaha ayaa la sheegay inay fasax ka qaateen hoggaamiye Taalibaan ah oo ku sugnaa deegaanka si loogu garaaco muusig horay loo duubay.

Hadalsame Media