”Waxay igu soo qaateen film-ka 007!” – Laacib ka tirsan Man Utd oo uu maad yaab leh ka sameeyey TV Jarman ah + Sawirro

0

(London) 27 Okt 2021 – Hilinka  ciyaraaha ee Sky Germany ayaa maad ka dhigtay laacibka Jadon Sancho oo ay ka murugsan tahay xaaladdu kaddib markii uu xagaagii ku biiray Manchester United iyagoo arrintiisa ku misaaley film-ka action-ka ah ee silsiladda ah ee James Bond.

Laacibkan 21-jirka ah ayaa kooxda Old Trafford kula biiray £73milyan oo gini oo ay ka siisteen Borussia Dortmund, kaddib markii ay uu horay u fashilmay isku day kale 2020-kii.

Yeelkeede, laacibkan caalamiga ah ee reer England ayaan weli wax saamayn ah ku yeelanin horyaalka Premier League, isagoo aan weli dhalin ama dhigin wax gool ah 7 kulan oo uu horyaalka saftay iyo 4 uu kulamada kale ciyaaray.

Sky Germany ayaa haddaba sameeyey isbarbardhigga 007 oo ka dhigan in aanu dhigin ama dhalin wax gool ah 7 kulan, isagoo usoo qaatay film-ka 007 James Bond, oo ah mala awaal ka hadlaya hay’adda British Secret Service.

Hadalsame Media