Laacib Talyaani ah oo uu awoowe u yahay Fajiistihii Talyaaniga oo kasoo muuqday koox ka ciyaarta Serie A

0

(Roma) 26 Okt 2021 – Romano Floriani Mussolini, 18-jir, ayaa ka mid ahaa 23-kii laacib ee uu Maurizio Sarri ula safray kulankii Verona oo 4-1 lagu soo suul daaray kooxda SS Lazio.

Yeelkeede, arrinta cinwaannada samaysay waa in uu wiilkan uu awoowe u yahay hoggaankii Fajiistaha ahaa ee Benito Mussolini oo ahaa RW Talyaaniga min 1922-kii 1943-kii, waxaana dhashay Alessandra Mussolini halka aabbihii la yiraahdo Mauro Floriani.

Alessandra ayaa horay Baarlamanka EU ugu meteli jirtey Xisbiga Forza Italia halka gabar kale oo uu awoowe u yahay Benito Mussolini oo ah Rachele, ay markii 2-aad bishan kusoo baxday dowladda hoose ee Roma.

Floriani Mussolini ayaa guddoonsadey inuu wada adeegsado magacyada labadiisa awoowe sidaasoo uu ogol yahay sharciga Talyaanigu, waloow uu sheegay in aanu sidaa u jeclayn magaca awoowgaa hore ee fajiistaha ahaa.

“Lazio waa in la igu qiimeeyaa sida aan u dheelo ee ma aha in la eego magaca aan wato ee Mussolini,” ayuu Roman u sheegay maalinlaha Il Messaggero markii uu heshiiska la gelayey kooxda junyarka Lazio bishii Febraayo.

Hadalsame Media