Kaddib kulankii xalay ee Farmaajo & Rooble waxaa Villa Somalia ka soconaya shir muhim ah

0

(Muqdisho) 21 Okt 2021 – Wasiirka Amniga ee uu magacaabay RW Rooble ee C/llaahi Maxamed Nuur iyo Agaasimaha KMG ee NISA Bashiir Goobe ayaa hadda Madaxtooyada kulan kula leh Madaxweyne Farmaajo.

Kulankan ayaa la sheegayaa inuu gacan ku leeyahay Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo labadii maalmood ee tegey dhexdhexaadin ka waday magaalada Muqdisho, isagoo xalayna isu keenay Farmaajo iyo Rooble.

Kulankani wuxuu noqonayaa midkii ugu horreeyay ee si toos ah u dhexmara Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur, tan iyo markii ninkan xilkan oo muran dhaliyey loo magacaabay, taasoo laga diidey dhanka Madaxtooyada.

Lama oga halka ay arrimahani ku dhamaan doonaan, sidoo kale lama hubo in runtii ay dhinacyadan dhab ka tahay in heshiis laga gaaro arrintan oo dib u dhigaysa dalka iyo inay tahay tillaabo ay ujeeddo kale riixayso.

Hadalsame Media