5 jawaabood oo kasoo noqday hadal uu Muuse Biixi ka yiri dadkii laga soo tarxiilay Laascaanood & hal arrin oo ay fahamdarro ka jirto

0

(Hadalsame) 21 Okt 2021 – Marka la soo koobo gar-naqsigii Muuse Biixi ee ku aaddanaa dadkii uu soo tarxiilay waa sidaan:

Ma qaadi karno culays dhaqaale iyo mid amaan awgeed dadkaas ka yimid Koonfurta Galbeed ee Somalia.
Jawaab:
a) Dadkaasi ka yimid Koonfurta Somalia waxay iskugu jireen ganacsato, farsamo-yaqaan, kuwasoo inay culays dhaqaale noqdaan daaye qayb wayn ka qaadanayey horumarinta dhaqaale ee Gobolladda aad sheegtay.
b) Maxay tahay culayska dadkaasi walaalaha ayku hayaan Somaliland oo aysan kugu haaynin ajaanibta sida Oromo iyo kuwa kale oo la mid ah?
c) Sharciga caalamiga ma qabaa in muwaadin Soomaaliyeed laga musaafuriyo Goboladda Waqooyi, Somaliland oo aan wali haaysan ictiraaf caalami?
d) dhoowris xuquuqul insaanka maxay ka qabtaa in dad si qasab ah gurigooda iyo ganacsigooda looga soo talxiilo habeenimo saq dhexe?
e) Puntland way leeysaa dadkaasi REER Koonfurta, Xamarna way leeysaa dadkaasi ee maxaa Aniga kaliya teeyda loo arkayaa?

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A Qaasim

Hadalsame Media