”Ma naqaan sida ay hubkan ku sameeysteen!” – Shiinaha oo sirdoonka Maraykanka ku kediyey gantaal guuxiisa ka dheereeya oo dunida dhan kusoo wareegaya + Sawirro & Muuqaal

0

(Beijing) 18 Okt 2021 – Shiinaha ayaa tijaabiyey gantaal guuxiisa ka dheereeya oo nukliyeerka xambaari kara kaasoo dunida kusoo wareegi kara kahor inta aanu abbaarin bartilmaameedkiisa, taasoo xitaa kediso ku noqotay sirdoonka indhaha gor gor leh ee Maraykanka.

Tiknolojiyaddan ayaa muujisay sida uu Shiinuhu ugu sii hormarayo dhanka hawada sare iyo barnaamijyada gantaalaha guuxooda ka dheereeya oo ah wax dunida weli dhowaangal ku ah, waxayna muujiyeen inay ka hormarsan yihiin halkii uu Maraykanku ka filayey, sida uu qorayo Financial Times.

Gantaalka haatan la tijaabiyey oo sida fuq kale oo loogu talagalay inuu soo galo falagga hoose ee hawada sare kahor inta aanu hoos usoo janjeersan, ayaa la sheegayaa inuu 24 mayl u jirsaday bartilmaameedkii lagu shiishay, sida ay sheegeen 3 qofood oo tijaabadan la socotey.

“Ma naqaan sida ay gantaalkan u sameeyeen, waayo wuxuu leeyahay hab-dhaqaaq u saamaxaya in aan la arkin oo lasoo ridin.” ayuu qof ka tirsan sirdoonku u qirtay wargayska.

Shiinaha ayaa waxaa hubka noocan ah uga horreeyey Ruushka iyo Maraykanka, balse midkan Shiinuhu ma taageeranayo oo qura daafaddii uu ka helay riditaankii koowaad ee isaga ayaa iskii u duulaya wuxuuna 5 jeer ka dheereeyaa guuxiisa, taasoo mustaxiil ka dhigaysa in hannaanka daafaca gantaalaha baalistigga Maraykanku ay qabtaan ama xitaa arkaan, sida uu qoray Taylor Fravel, oo ah khabiir u il furan siyaasadda nukliyeerka Shiinaha.

Afhayeen Liu Pengyu oo u hadlay Shiinaha ayaa sheegay in dalkiisu uu aalaaba cayrsanayo siyaasad ay “dabeecaddeedu difaac tahay” balse aanay doonaynin inay cidna bartilmaameedsadaan amaba xitaa tartan ama hardan hub la galaan, sida uu yiri.

Hadalsame Media