Ciidamada Kenya ee KDF oo dad iyo xoolo ku xasuuqay meel u dhow xadka labada dal

0

(Raaskiyambooni) 18 Okt 2021 – Wararka ka imanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa tibaaxaya in maanta ay halkaa tacaddiyo ka gaysteen Ciidamada Kenya oo halkaa ku laayey dad shacab ah, gaar ahaan dad xoolo raacato ah oo ku dhaqan Raaskiyambooni.

Ciidamada KDF ee ka tirsan AMISOM oo ay uga mid yihiin si uu muran ku jiro marka hab-dhaqankooda la eego, ayaa halkaa ku diley dad laga xusay Carab Qoriyow oo ka mid ahaa dadka degaanka, waxaa kale oo halkaa ku dhaawacmay dhowr qofood.

Ciidamada Kenya ayaa sidoo kale lagu warramayaa inay laayeen xoolo lo’ ahaa oo kor  dhaafaya ilaa 50meeyo neef oo ay wateen dadka ay toogteen, iyadoo aan sababta la ogayn, balse wararka qaarkood ay sheegayaan in qarax lala beegsaday kahor falkan.

Dadka degaanka ah ee ay dhibaatadu soo gaartey ayaa baaq u diray DF Somalia iyo Maamulka Jubaland..