(Hadalsame) 18 Okt 2021 – Mahad oo dhan Ilaahay baa leh, nagu guuleeyey hantideennii badda ee muranka gashay.
Dhab ahaan Waa sigannay oo af neberi baan galnay, si kastaba sababtu ha ahaato, laakiin Ilaahay baa na badbaadiyey, qof kasta oo kaalin ka geysteyna waa ku mahadsanyahay.
Wexeyse su’aali ka taagantahay: sidee ku ilaalinnaa? Sida aynu hadda nahayse ma ku ilaashan karnaa? Haddaanba ilaashanno ma ka faa’iidaysan karnaa? Mise waa ka qatanaaneynaa? Maxaa diidey in aan xeebtaasu dekedo iyo wershedo noqon? Maraakiibina fadhin? Haddaanan ka faa’iidaysan ma la innoo deynayaa mise waa la damaacinayaa maalin walba?
Su’aalahaas iyo kuwa la midka ah la isma weydiin e waxaa inna harqiyey xaflado, libin sheegasho, anaa ganay iyo anaa gudey!
Dhib malaha in siyaasiyiintu ololaha uga faa’iidaystaan, waxaase nasiib darro ah in qaarkood fududaystaan garaadka ummadda soomaaliyeed oo culima leh, aqoon yahan leh, indheer garad leh!
Waxaa Qoray: Sh. Maxamed Idriis
Hadalsame Media