DAAWO: Laba markab dagaal oo Ruush & Maraykan ah oo isku helay biyaha fog ee Badda Baasifigga (Sida ay wax u dheceen?)

0

(Moscow) 17 Okt 2021 – Ciidanka Badda Ruushka ayaa loo diray inay biyaha maxalliga ah ka eryaan markabka bururiyaha gantaalaha ee USS Chafee, sida ay faafisay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushanku.

Markabka Chafee, oo ah dabaqadda Arleigh-Burke oo a raxan maraakiib ah oo burburiyeyaal ah oo ku qaybsan daafac iyo weerar isla markaana ay ku howlgalaan raxanta Badda Deggan ee Baasifigga, ayaa isku dayey inuu galo biyaha Ruushka ee Bariga Fog.

Yeelkeede, waxaa halkaa ugu tegey maraakiib uu ka mid ahaa“Admiral Tributs.”

Markabkan Maraykanka oo la sheegay inuu maalmo ku sugnaa Sea of Japan ayaa kaddib go’aansaday inuu u shiraacdo dhanka gacanka Peter the Great Gulf.

“kaddib markii aan u digney markabka Chafee, halkii uu jihada bedelan lahaa, waxay istaareen dayuurad qumaati u kacda oo ka duulaysa dushiisa, taasoo mustaxiil ka dhigaysa in markabka la leexiyo.” ayay tiri Wasaaradda Gaashaandhiggu.

Wasaaradda ayaa intaa raacisay inay markale uga digeen inuusan kusii socon biyaha Ruushka, balse uu ugu dambayn dib uga laabtay meel 60 mitir oo qura u jirta markabka Ruushka ee Admiral Tributs, taasoo ay ku tilmaameen hab-dhaqaaq halis ah oo keeni kara isku dhac jireed.

 

Hadalsame Media