Calaamadaynta badda Somalia & Kenya ma waxay ka dhigan tahay in NFD laga tanaasuley? (Akhri caddayntan)

0

(Hadalsame) 14 Okt 2021 – Maxkamadda ICJ ayaa dorraad xukuntay dhul-badeedkii ay Somalia ku haysteen Kenya oo doodda billowday 2009-kii.

Maxkamadda ayaa dhulkii ay dacwaddu ka taalley intiisa badan Somalia u xugmisay, waloow ay qayb ka tirsan sharci darro ku siisay Kenya, sida uu faahfaahiyey Garsoore Cabdiqawi oo Somalia u dhashay kana tirsan isla ICJ.

Yeelkeede, dad ayaa durba suuqa mariyey warar ku saabsan in xadaynta baddu uu ka dhigan tahay in Somalia ka tanaasushey dhulka NFD.

Ha yeeshee, arrintaasi ma aha mid xaqiiqo ku salaysan siyaasad ahaan iyo juqraafi ahaanba. Sababtuna waa tan:

1 – Gobolka Woqooyi Bari dhanka Kenya ama NFD la oran jirey, marna wax xad ah lama laha Badwaynta Hindiya.

2 – Jiitinta la raacay waa tii ay Somalia ku doodaysey oo u jiifta dhanka Kenya, taasoo ka dhigan in Somalia ka taliso biyo ku beegan wejiga Gobolka Lamu iyo qayb Coast ka tirsan marka la tago dhanka Qalfoof-qaaradeedka. Halka haddii ay Kenya guulaysan lahayd ay qaadan lahayd badda Jubbada Hoose ee Somalia.

3 – Gobolka xadka la leh Somalia marka la eego dhanka xeebta waa Gobolka Lamu, mana ka tirsana dhulka ay Somalia sheegato.

Waayo markii 20-kii Nofeembar 1924-kii oo uu dhacay heshiiskii Anglo-Italian Treaty oo lagu sameeyey xadkan waxaa loo yara leexiyey dhanka woqooyi, markii uu kusoo beegmay Gobolka Lamu.

Sidaa darteed, arrintan wax NFD ka khuseeyaa ma jiraan, wax saamayn ahna kuma laha.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media