
(Hadalsame) 06 Okt 2021 – Waxaa muddo 20-25 sanadood gudohood ah lagu wadaa inay Sweden yeelato tareemada aadka u dheereeya oo saacaddii jari kara 320km.
Yeelkeede, waxaa Wakaaladda Gaadiidka Sweden ee Trafikverket soo gaarey ilaa 1,400 oo ra’yi dadwayne ah oo ay qaarkood si aad u cambaaraynayaan tillaabadan, inta u dhaxaysa Hässlehom & Lund oo qura.
Dadka dhaliilshan ayaa diidmadooda ku salaynaya saamaynta dhulka, bay’ada iyo lacagta lagu khasirayo oo lagu qiyaasayo ilaa SEK 300 bilyan oo karoon sida ay sheegtay Trafikverket, iyadoo u utareenkani isku xirayo Stockholm-Göteborg iyo Jönköping-Malmö.
Hadalsame Media