
(Menlo Park, CA) 05 Okt 2021 – Hantida gaarka ah ee Mark Zuckerberg ayaa waxaa saacado yar ka go’day $6 bilyan oo doollar, taasoo wax u dhintay halka uu uga jiro taxa ragga dunida ugu taajirsan.
Shirkadda Facebook Inc iyo kuwa kale oo uu isagu leeyahay sida Whatsup, Instagram iyo Oculus ayaa 6 saacadood hawada ka maqnaa iyagoo Offline ah.
Taasi waxay dhalisay in saamiga camaaliqada baraha bulshadu uu dhaco ilaa 4.9%, taasoo u raacaysa 15% uu hooseeyey tan iyo bartamihii Sebtembar.
Hoos u dhacan ayaa lacagta uu Zuckerberg haysto hoos ugu riddey $121.6 bilyan, taasoo ka hoos marisay Bill Gates sida ka muuqata taxa Bloomberg Billionaires Index.
*Sincere* apologies to everyone impacted by outages of Facebook powered services right now. We are experiencing networking issues and teams are working as fast as possible to debug and restore as fast as possible
— Mike Schroepfer (@schrep) October 4, 2021
DHIB TAAGAN – Sebt. 13, warqaadka Wall Street Journal ayaa bilaabay qoridda sheekooyin taxane ah oo ku saabsan in dokumentiyo caddaynaya inuu Facebook ogaa dhibaatooyin lagala kulmayey adeegyadiisa.
Waxay sidoo kale qoreen dhibaatada uu Instagram u gaysto caafimaadka maskaxeed ee gabdhaha sin-dheerta ah (teenage girls) ilaa xogihii beenta ahaa ee uu ka faafiyey rabshadihii 6dii Jannaayo ka dhacay Capitol Hill iyo qaybin bulsho.
Tan gabdhaha sin-dheerta ah, waa sheeko ku saabsan gabar haatan 20-jir ah oo adeegsatey magaca Emily oo ka sheekaysay dhibaato dhanka dhimirka ah oo ay kala kulantay Instagram.
“Waxaan dareemay in aan jirkaygu u qurux badnayn sida dadka kale tiiyoo aan in badan jimici aadayey.” ayay tiri Emily, oo ah ardayad haatan soo kabanaysa, sida lagu faafiyey Wall Street J oo sheekada qarxiyey.
Arrintan ayaa cashar u noqon karta dhallinyaro gabdho u badan oo baraha bulshada u adeegsada qaab aan caqli iyo xishood badani ka muuqan taasoo hadhow diiqad iyo masayr keeni karta.
Facebook ayaa diidey inuu arrintan bulshada usoo bandhigo balse waxaa arrintan oo soo jiidatey dareenka DF Maraykanka qarxiyey nin dab-afuuf ah.
Dab-afuufkan oo ah 37-jir magaciisa lagu sheegay Frances Haugen oo maareeye ka ahaa Facebook oo maanta hortegaya Koongarayska Maraykanka ayaa kashifay in Facebook si ku tala gal ah u faafiyo xogo isku diraya dadwaynaha iyo kuwa nacayb iyo qaybin ku dhisan.
Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media