(Milano) 04 Okt 2021 – Qabtaha Xulka Talyaaniga ee Gigio Donnarumma ayaa ka hadlay waxa uu Arbacada ka filayo gegadii uu ka ciyaaristeeda kusoo barbaaray ee San Siro oo ay Talyaanigu nus-dhamaadka Nations League kula leeyihiin Spain?
Laacibka ayaa si aan qurux badnayn uga dhaqaajiyey kooxda soo barbaarisay ee AC Milan oo uu safka 1-aad u ahaa tan iyo 2016-kii oo uu 16-jir uun ahaa, iyadoo tan ugu darani aanay ahayn ka tegista, balse uu tegey isagoo aan kooxdu hal shilin ka helin.
“Had iyo goor waan u dadaali jirey Milan ilaa markii aan ka tegayey, haddii Arbacada la igu orriyo runtii waan ka xumahay, maxaa yeelay waa ciyaar muhim ah nus-dhamaadka Nations League,” ayuu ku bilaabay warkiisa.
”Waxaan rajaynayaa in taageerayaashu ay na caawin karaan.” ayuu raaciyey waraysi uu siiyey tuttoomercatoweb.com.
Si kastaba, taageerayaasha Milan ayaa durba ka raystay xanuunkii tegitaankiisa, maadaama uu Mike Magnon bandhig wanaagsan oo ay khubarada qaar kuba tilmaameen mid meelo badan uga wanaagsan Donnarumma, marka la eego boqolleeyda kubadaha uu badbaadiyo.

Hadalsame Media