DHEGEYSO: ”Waa ognahay inaysan Soomaalidu akhriska jeclayn balse waxaan diiradda saarnaa kuwa qurbaha”

0

(Hadalsame) 04 Okt 2021 – Nasra Cabdirixmaan, oo hadda ku nool magaalada Toronto, Canada, ayaa magaalada Stockholm ee xarunta Sweden u timid carwo 3 maalmood qaadatay oo shalay lagusoo abyey xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Rinkeby.

Nasra oo ah qorta buugaagta buugaagta carruurta ayaa kasoo qayb gashay carwo bandhig buugeed ah oo ay agaasintey shirkad Soomaali ah oo daabacaadda buugaagta ka shaqaysa oo la yiraahdo Scansom.

”Waxaan doonaynaa inaan dhaxal u reebno carruurta.” ayay tiri mar ay u warrantay Laanfta Af Soomaaliga ee Idaacadda Sweden.

Hadalsame Media