DAAWO: Dadka oo la yaabban yaxaayso dagaallamay oo midkood isagoo nool la liqay!!

0

(Hadalsame) 02 Okt 2021 – Waxaa baraha bulshada wareegaya muuqaal dad badan la yaabiyey oo ah weerar ay isku qaadeen laba yaxaas.

Muuqaalkan oo loo badinayo inuu ka dhacay biyo-baxada Murrells Inlet ee Gobolka South Carolina ee dalkaasi Maraykanka.

Waxaa muuqaalka Twitter ku wadaagey nin la yiraahdo, Taylor Soper, waxaana la arkayaa yaxaas wayn oo qoorka sare kasoo jeeda oo isagoo nool laqaya mid yar.

Yaxaaska oo ka mid ah laf-dhabarleeyda xoogga badan ku leh qalka ayaan inta badan looga baranin inuu isagu is cuno.

 

Hadalsame Media