DEG DEG: Guddiga Maamulka Doorashada kuraasta Somaliland oo wargelin soo saaray

0

(Muqdisho) 27 Sebt 2021 – Guddiga Maamulka Doorashada kuraasta gobolada woqooyi Somaliland ayaa wargelin cusub kasoo saaray doorashada Aqalka Sare ee Xildhibaannada maamulkaasi ee DF Somalia.

“Wargelin: Guddiga maamulka Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland waxay ogaysiinayaan dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-09-2021(Talaada) ay si rasmiya u bilaaman doonto hadal jeedintii(khudbadihii) musharixiinta,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay guddiga.

“Goobta: Xerada Afisiyoone
Saacada: 8:00 Am, subaxnimo
Fadlan Waxa Laga codsanayaa musharixiinta in ay dhowraan wakhtiga.” Ayay raaciyeen.

Guddiga ayaa xalay soo saaray ogaysiis kale oo baajin ahaa maadaama ay maanta bilaaban lahayd hadal jeedintu iyagoo ballan qaaday inay dadwaynaha war kale kula soo noqonayaan.

Hadalsame Media