Ceeb halis ah oo uu soo saaray khilaafka Farmaajo & Rooble

0

(Hadalsame) 26 Sebt 2021 – Khilaafkii dhacaan haddii uu na kala qeybiyo. Haddii aan dhammaanteen u kala safanno laba dhinac.

Yaan khilaafka qeyb ka ahayn oo dalka u fekeraya? Oo keliya u taagan daaficiisa?

Waxaan u qabaa Diblimaasiyiinta, shaqaalaha kale ee Dowladda iyo Ciidammadu in ay yihiin kuwa u taagan Ciidda iyo Calanka.

Waa in ay ka dhowrsadaan khilaafka hadda taagan si kasta oo uu u culus yahay iyo khilaaf kasta oo mustaqbalka yimaada.

Ma aha in aanay ra’yi lahayn ee waajibkooda ayaa ah mid ka muhiimsan kana qoto dheer khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Madax shalay timid, maanta joogta, berrina tegi doonta.

Waajibaadka Ciidammada Qalabka sida ee loo aqoonsan yahay, ku asturan yihiin, kuna xushmeysan yihiin, waa in ay yihiin geesiyaal har iyo habeen u diyaar ah, in ay naftooda u huraan difaaca dalka.

Waan aamminsan ahay in khilaafka madaxda iyo inta la kala safan ay dhammaan ixtiraam u hayaan in Ciidammada qalabka sida uu doorkoodu mar kasta nadiif ka ahaado isrogrogga siyaasadda.

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media