
(Hadalsame) 23 Sebt 2021 – Waxaa marar badan la is waydiiyaa sababta uu cudurku ugu dhaco dad wada qaatay labada kuuro ee tallaalka Covid-19, taasi ma waxay ka dhigan tahay in aan tallaalku wax ku ool ahayn? Emma Frans oo ku takhasustay cudurrada faafa ayaa sharraxaysa.
Ma jiro tallaal 100% qofka ka dhowraarinaya cudurka, sidaa darteed dad badan ayuu cudurku haleeli doonaa tiiyoo ay jirto inay si buuxda u tallaalan yihiin. Waxaa taa loogu yeeraa genombrottsinfektion waana marka uu tallaalku qofka ka difaaci waayo cudurkii laga tallaalay, waana eray muhim ah sida ay qabto Emma.
Tallaalku si wanaagsan ayuu qofka uga ilaaliyaa Covid-19, iyadoo ay tijaabooyin horaadkii la qaaday muujinayaan inuu guulaysto 95%, gaar ahaan nooca Pfizer iyo Biontech. Waxaa boos yara hooseeya ku jira midka AstraZeneca.
Sidee loo hal-beegaa wax ku oolnimada tallaalka?
Waxaa la is barbar dhigayaa laba kooxood oo dad ah. Kuwaasoo kala ah koox cudurka laga tallaalay iyo qaar kale oo ah nooca la yiraahdo Placebo oo looga dhigay in cudurkii laga tallaalay balse aan runtii tallaalnayn.
Deeto waxaa la eegayaa kooxdii uu cudurku ku dhaco. Aan niraahno 10 ka mid ah kooxda Placebo ayuu cudurkii ku dhacay, halka 1 ka mid ah kuwii tallaalnaa uu cudurku haleelay, waxay taasi ka dhigan tahay in tallaalku uu 90% waxgal yahay.
Sidaa darteed, mar kasta oo aad tallaalka qaadato waxaa yaraanaysa fursadda uu cudurku kugula dhici karo, waloow ay markasta jirayso qayb yar oo ka mid ah dadkii la tallaalay oo uu cudurku ku dhacayo.
Hadalsame Media