DEG DEG: Somalia oo xukunno dhaadheer ku riddey shisheeye ku eedaysnaa argagixiso

0

(Muqdisho) 23 Sebt 2021 – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia ayaa xukunno dhaadheer ku riddey laba nin oo shisheeye ahaa oo lagu haystey inay ka tirsanaayeen kooxda xag-jirka ah ee Al Shabaab.

Nimkan oo laba ah ayaa haatan lagu xukumay min 15 sanadood oo xarig ah iyadoo lagu helay inay xitaa u dagaallameen kooxda  Al-Shabaab.

Nimankan oo la kala yiraahdo, Darren Anthony Byrness oo u dhashay dalka Britain iyo Ahmed Mustaqim bin Abdulhamid oo kasoo jeeda Malaysia ayaa se diidey inay wax lug ah ku leeyihiin argagixiso iyo taageerada Shabaabka.

Dalka Malaysia oo uu kasoo jeedo nimankan la xukumay midkood ayaa horay u codsaday in muwaadinkoodu uu helo xukun caadil ah, lamana oga inay nimankani rafcaan qaadan doonaan iyo in kale.

Hadalsame Media