(Khartuum) 21 Sebt 2021 – Isku daygii afhembi ee dalka Suudaan ayaa haatan la xakameeyey, sida uu Reuters u sheegay Golaha isku dhafka ah ee ka kooban ciidanka iyo rayidka ee dalkaa maamula.
Waxaa bilowday su’aalo la waydiinayo saraakiil la tuhunsan yahay inay afgembiga qorsheeyeen iyadoo war laga sugayo millateriga, sida uu sheegay afhayeenka Mohamed al-Faki Suleiman.
Ciidanka Amaanka Suudaan ayaa xirey buundada wayn oo Khartuum ku xirta magaalada ku mataansan ee Umu Durmaan.
“Ciidanku waxay sheegeen in ay saraakiil weli ku dhex jiraan meel hubka lagu kaydiyo.” ayay tiri weriyaha Al Jazeera, Hiba Morgan, oo kasoo warramaysa Khartuum.
Waxay sheegtay inay soconayaan wadahadallo si ay hubka u dhigaan una soo baxaan, sida ay sheegtay.
Hadalsame Media