(Baku) 17 Sebt 2021 – Ciidamada Gaarka ah ee Azerbaijan, Turkey, iyo Pakistan ayaa dhoollatus ciidan wada sameeyey waana markii ugu horreeysey taariikhda ee ay 3-dan dal ee Muslimka ihi ay tillaabadaa qaadaan.
Dhoollatuskan oo soconaya ilaa 20-ka bishan Sebtembar ayaa lagu qabtay dalka Azerbaijan, iyadoo ay Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaasi sheegtay in tillaabadani ay xoojinayso iskaashiga amaan ee 3-dan dal ee Muslimka u badan, sida ay faafisay Wakaaladda TASS ee Ruushka.
Ciidamada Azerbaijan iyo Turkey, oo ah laba dal oo deris ah iskuna dad ah oo lagu sheego ”hal qaran iyo 2 dal”, ayaa horay dhowr mar isula sameeyey dhoollatus noocan ah, balse waxaa ku cusub Pakistan.
Jeneraal Azeri ah oo la yiraahdo Hikmat Mirzayev oo hadlayey kahor bilowgii dhoollatuska ayaa ciidamada Turkey iyo Pakistan uga mahad celiyey doorkii ay ka qaateen dagaalkii 44-maalmood soconayey ee ay ku xoraysteen Nagorno-Karabakh 2020-kii.
Hadalsame Media