Shirkad ka mid ah kuwa ugu waayayn Galbeedka oo lagu helay inay malaayiin doollar siisay kooxda Daacish

0

(Paris) 17 Sebt 2021 – Camaaliqada shamiitada soo saarta ee Faransiiska ah ee Lafarge ayaa la sheegay inay xiriir aan caadi ahayn la lahayd kooxda Daacish (ISIS) ee Syria taasoo haatan Faransiiska ka dhalisay dood ku saabsan sida ay sharikaadka waawayni u qaadayaan tillaabooyin aan anshax ahaan sax ahayn.

Lafarge ayaa lagu helay inay hub iyo lacago siisay kooxda Daacish, iyadoo howlo ka waddey meelaha ay kooxdani haysatey ee Syria.

Talaadadii Maxkamadda Sare ayaa baabi’isay go’aan kasoo baxay maxkamadda hoose oo diidayey inay Lafarge ku kacday dembiyo dagaal oo ka dhan aadminnimada marka la eego doorka ay ku leedahay dagaalka sokeeye ee Syria.

Xukunkan ayaa jug wayn u gaystey Lafarge, oo lagu haysto inay ilaa 13 milyan oo euro ($15.3m) siisay kooxda Daacish iyo xitaa kooxo kale oo xag-jir ah, si ay usii shaqayso wershad ay ku lahayd woqooyiga dalkaasi, sanadihii hore ee dagaalka.

Lafarge, ayaa 2015kii waxay midoobeen shirkadda Swiss-ka ah ee Holcim si ay u noqdaan kuwa dunida ugu waawayn dhanka Shamiintada, waxaana ku socdey baaris ku aaddan sida ay Syria uga sii shaqaysey kaddib dagaalkii sokeeye ee bilowday 2011-kii.

Shirkadda ayaa weli diiddan inay wax dembi ah ku kacday.

Dalal badan oo reer Galbeed ah ayaa lagu xantaa inay laba weji ku wajahaan kooxaha xag-jirka ah ee ka jira dalalka Muslimka ah oo qaarkood ay iyaguba qirtaan inay sameeyeen.

Hadalsame Media