(Hadalsame) 17 Sebt 2021 – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay in maanta ay ka wada xaajoonayaan arrimaha cakiran ee Soomaaliya gaar ahaan khilaafka cirka isku sii shareeraya ee madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.
Tallaabada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegmeysa iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble uu ka jawaabay warqaddii madaxweynaha, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee ahayd in uu ka qaaday awoodaha.
Farmaajo ayaa ra’iisal wasaaraha ku eedeeyay inuu “qaadanayo tallaabooyin aan laga fiirsanin oo dalka u jiheyn kara qalaase siyaasadeed iyo mid amni.”
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu go’aankan qaatay ka dib markii uu Ra’iisal wasaaraha “ka weecday waajibaadkii loo igmaday xukuumadda ee ahaa ka shaqeynta doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka sida ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyay Golaha Shacabka 1dii May 2021, Goluhuna uu tixgeliyay soojeedintaas”, waa sida ku xusan qoraalka Villa Somalia.”
Balse Rooble oo ka jawaabay go’aankaas ayaa tilmaamay: “Warqadda ka soo baxday Madaxwaynaha ee cinwaankeedu ahaa hakinta Awoodaha Wasiirka koowaad iyo dardargalinta Doorashada dalku, waa mid si cad u hareer marsan Dastuurka KMG ah ee Qaranka wuxuuna si cad ugu been abuurtay qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka oo aan meelna looga xusin in uu Madaxwaynuhu faragalinkaro Awoodaha Dastuuriga ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa.”
Dhanka kale Madaxweynayaasha Dowladaha Goboleedyada Soomaaliya ayaa xalay khadka telefoonka uga wada hadlay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Soomaaliya.
Waxayna war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegeen in dhammaan wixii khilaafaad ah lagu xaliyo tubta wada hadalka, lana joojiyo qoraalada sii fogeynaya xal u helista khilaafka. Sidoo kalena, la tixgeliyo ku dhaqanka Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxay sidoo kale sheegeen in 21 – 23 September 2021 ay isugu imaan doonaan shir ka dhacaya magaalada Garowe.
Haddaba Khilaafka Farmaajo iyo Rooble sidee ayay warbaahinta caalamka u tebisay?
Warbaahinta caalamaka ayaa aad uga hadleysa khilaafka cirka isku si shareeraya ee so kala dhex galay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo raysal wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble.
1: Daily Sabah
Cinwaanka majaladdan ahaa ah: Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa awooddii fulinta ka xayuubiyey RW Rooble

XIGASHADA SAWIRKA,VILL SOMALIA
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in uu kala noqday awoodihii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyada oo xaaladii ugu dambaysay ay ka dhalatay khilaaf xooggan oo dalka geliyay qalalaase hor leh.
Waa markii labaad oo ay labadan qof isku qabsadaan arrimo la xiriira shaqaalaysiin iyo shaqo ka eryid ka dhex dhacday hay’adaha amniga ee Soomaaliya, taasoo sare u qaadday cabsida laga qabo in loolanka awoodeed ee labad nin ee ugu sarreysa dowladda Soomaaliya uu gaaro heerkii ugu xumaa.
2: Wion
Boggan oo laga leeyahay Hindiya ayaa cinwaan ka dhigay: Madaxweynaha Soomaaliya oo dib ula noqday awoodihii Raysal Rooble iyadoo uu khilaafka sii kordhaya
Qoraalka majalladan ayaa ka mid ahaa: Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khamiistii ku dhawaaqay inuu laalayo awoodihii fulinta ee ra’iisul wasaarihiisa, tallaabadaan ugu dambeeyay ayaa laga cabsi qabaa in dalka ay geliso colaad iyo khalalaase siyaasadeed oo qoto dheer.
Tallaabadan uu qaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo dadku u yaqaanaan Farmaajo ayaa timid iyadoo ay jiraan dadaalo siyaasiyiin Soomaaliyeed ay ku doonayaan inay ku qaboojiyaan xiisadda sii xoogeysanaysa ee u dhexeysa Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynihiisa.
3: Yahoo News
Waxaan cinwaan u ah: Hoggaanka Soomaaliya, Farmaajo iyo Rooble oo madaxa iskula jira
Waxaana warbixinta qeyb ka ah, markii Maxamed Cabdullaahi Maxamed loo doortay madaxweynaha Soomaaliya bishii Febraayo 2017, taageerayaashiisu waxay rajaynayeen in uu jawaab u noqdo musuqmaasuqa iyo xagjirnimada ka jirta dalkii Afrika ugu caansanaa ee fashilmay.
Laakiin diblumaasiga ruug -caddaaga ah ayaa kiciyay xiisad siyaasadeed markii uu kororsaday muddo xileedkiisa ka hor inta uusan ka tanaasulin oo uu awoodda Doorashada ku wareejinin Rooble.
Haatan waxay madaxa iskula jiraan oo is -maandhaaf xooggan ka dhexeeya isaga iyo Maxamed Xuseen Rooble, oo ah ninka uu u magacaabay ra’iisul wasaare sannad ka hor.
Ninkan farsamada yaqaan ah oo 57 jir ah, kana soo shaqeeyay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan shaqaalaha ee Nairobi, ayaa markii hore kursiga dambe u fariistay Farmaajo.
4: Nation – Kenya
Wuxuu sadarka ugu sarreeya ka dhigay: Farmaajo oo soo koobay awooda RW Xuseen Roobleka dib markii uu ku eedeeyay inuu ku xadgudubay dastuurka
Wargeyskan wuxuu warbixinta ku billaabay: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa khamiistii sheegay in uu hakiyay awoodihii Ra’isulwasaare Xuseen Rooble gaar ahaan awoodhii u ogolaanayay shaqaaleysiinta iyo ka eryidda mas’uuliyiinta.
Warbixin lagu baahiyay warbaahinta, Villa Somalia, oo ah meesha rasmiga ah ee uu Farmaajo ka deggan yahay caasimadda Muqdisho, ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaruhu bannaanka ka joogi doono shaqooyinkaas gaarka ah illaa doorashada la qabto.
Sida ku cad jadwalka doorashada, doorashooyinka waxay ahayd in la qabto ilaa 10 -ka Oktoobar, laakiin waxaa jira dib -u -dhac ku yimid doorashada baarlamaanka oo aad muhiim u ah.
5. The East Africa
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hor yimid go’aanka madaxweynaha ee awoodda looga qaaday
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa diiday go’aanka ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo awoodda ka qaadayay Rooble.
Qoraal ka soo baxay Villa Somalia, wuxuu farmaajo ku sheegay in uu hakiyay awoodda Ra’iisul Wasaare Rooble ee shaqaaleysiinta iyo shaqo-ka-ceyrinta saraakiisha dowladda, illaa doorashada ay ka qabsoomeyso.
Balse, Rooble wuxuu sheegay in go’aankaas uu yahay mid aah dastuuri ahayn, uusanna madaxweynaha awood u lahaynin uu Ra’iisul Wasaaraha ka hor istaago gudashada waajibaadkiisa.
6: Warbaahinta DW – Jarmalka
Waxaa cinwaan u ah: Somalia: Madaxweynaha oo laalay awoodihii fulinta ee ra’iisul wasaaraha

XIGASHADA SAWIRKA,SNTV
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa hakiyay awoodda ra’iisul wasaaraha ee ah in uu shaqaaleysiiyo maba shaqada ka joojiyo mas’uuliyiinta. Muranka u dhexeeya labadooda ayaa ka dhashay baaritaanka dil aan la xal laga gaarin.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa khamiistii shaaciyey inuu la noqday awoodihii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxtooyadu waxay sheegtay in hakinta awoodaha ay sii jiri doonto ilaa doorashada la soo gabagabeeyo dabayaaqada sanadkan.
7: france24
Ciwaan: Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka joojiyay awooda fulinta ra’iisul wasaaraha iyadoo khilaafka sii xoogeysanaya

XIGASHADA SAWIRKA,AFP
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khamiistii sheegay in uu kala noqday awoodihii fulinta ee ra’iisul wasaaraha, waa tallaabadii ugu damebysay ee qaado Farmaajo iyadoo uu sare u sii kacaya khilaafka labada hogaamiye waxaana laga cabsi qabaa in dalka uu galo qalalaase siyaasadeed oo qoto dheer.
Tallaabadan uu qaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo dadku u yaqaanaan Farmaajo ayaa timid iyadoo ay jiraan dadaalo siyaasiyiin Soomaaliyeed ay ku doonayaan inay ku qaboojiyaan xiisadda kala dhaxeysa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
“Ra’iisul wasaaruhu wuxuu jebiyey dastuurka ku -meel -gaarka ah sidaa darteed awoodihiisa fulinta waa lagala noqday … gaar ahaan awoodihiisa xil -ka -qaadista iyo magacaabidda mas’uuliyiinta, ilaa doorashada laga soo gabagabeynayo,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka xafiiska madaxweynaha.
Khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha, oo salka ku haya baaritaan dil, ayaa ka dhigan in ay sii kordhayso xiisada.
8. RFI
Cinwaan: Soomalaiya: Ra’iisul Wasaaraha oo diiday go’aanka “sharci darada ah” ee Farmaajo uu ku hakiyay awooddiisa
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay in “uusan aqbalin” tallaabada “sharci darada ah” ee madaxweynaha uu qaaday ee la xiriirta awooddiisa fulinta.
Waa khilaaf cusub oo uu wajahayo dalkan ay horey u gilgileen khilaafaadka doorashada iyo colaadda jihaad-dooneyaasha, Waa sida ay qortay warbaahintan laga leeyahay Faransiiska.
Isha: BBC Somali
Hadalsame Media