
(Hadalsame) 10 Sebt 2021 – Kooxda Daalibaan ayaa tan iyo markii ay kusoo noqdeen xukunka Afghanistan, waxay la wareegeen hub aad u fara badan oo uu sameeyey Maraykanku isla markaana uu siiyey Dowladdii dhacday ee dalkaasi.
Yeelkeede, waxaa haatan taagan su’aal ku aaddan waxa ay u adeegsan karaan hubkaa casriga ah ee ay heleen iyo doodo kale oo kaba sii fog middaasi.
Saraakiil Maraykan & Ingiriis ah oo ay ku jiraan Kornayl Richard Kemp, oo hoggaamiyey ciidanka Britain ee Afghanistan, iyo La Taliyihii hore ee Amaanka Qaranka John Bolton, ayaa walaac ka muujinaya in ay Daalibaan gacanta ku dhigi karaan hubka halista ah ee nukliyeerka oo ay xogtiisa ka heli karaan Pakistan oo deris la ah xiriir fiicanna la leh.
Waloow uu isbitaal yaallo Cabdulqaadir Khan oo uu haleelay cudurka Covid-19, kaasoo la sheegay inuu xogo badan u dusiyey dalal badan, misna weli meesha kama maqna cabsida ku aaddan arrintaasi ee madlaha sirdoonnada Galbeedka, oo horay CIA-da lafteeda ugu tuhunsanaa inay ‘indhaha ka qabsatay’ howlgalkii Khan ku soo xasiliyey hubkan.
Daalibaan ayaa sheegtay inay xiriir wanaagsan la yeelan doonto dalal ay ku jiraan kuwo ay Maraykanka xafiiltamaan sida Shiinaha oo haatan 31m oo doollar siinaya iyo Ruushka.
Hadalsame Media