(Kabul) 02 Sebt 2021 – Kooxda Daalibaan oo Afghanistan ka dhistay dowlad la yiraahdo ”Imaaradda Islaamiga ah” ayaa la wareegtey hub fara badan oo ku kacaya malaayiin doollar, waxaana ku jira dayuurado badan oo ay lahaayeen Ciidankii dalkaasi.
Waxaa ugu yaab badan in Ciidanka Cirka Daalibaan oo haatan haysta ilaa 48 dayuuradood oo shaqaynaya ay ka awood badan yihiin Ciidanka Cirka ee ilaa 10 dal oo ka tirsan Gaashaanbuurta NATO.
Kooxdan ayaa haatan gacanta ku haya ilaa 10 saldhig-cireed oo waawayn min Bagram ilaa Mazar-i-Sharif, iyagoo dayuuradda k fadhida $6 milyan ee doollar ee Black Hawk u adeegsadey dagaalka dooxada dhibka badan ee Panjshir Valley oo aan weli gacantooda ku jirin.
Daalibaanka oo ay sidoo kale Maraykanku uga tageen dayuurado cilladaysan ayaa la sheegayaa inay raadinayaan duuliyeyaashii hore ee Ciidankii Cirka dalkaasi ee kala yaacay, waloow ay dayuurado 40 ka badan geeyeen dalka deriska ee Uzbekistan.
Garoonka Hamid Karzai International Airport ee Kabul ayaa waxaa dayuuradaha dhex yaalla ka mid ah midda xamuulka ah duqaymahana gaysata ee Hercules taasoo ku fadhida $14 milyan, waloow ay cillado badan qabto.
Dhanka kale, waxay shalay magaalada Qandahaar kusoo bandhigeen hub fara badan oo ay ku jiraan gawaarida gaashaaman ee casriga ah ee miinooyinka u gigsada oo ay ka furteen ciidanka lugta. Halkan ka daawo…
Hadalsame Media