”Anigu taas Soomaalida waa uga haray!” – Aqoonyahan Itoobiyaan ah oo ka hadlay arrin ka yaabisay

0

(Hadalsame) 02 Sebt 2021 – Nin Itoobiyaan ah oo hadda macallin jaamacadeed ah ayaa siddeetanaadkii waxbarasho u tegey Ingiriiska. Wuxuu yiri waxaan la saaxiibay Soomaalida oo markii dambe inaan la qayilo ayaan bartay.

Waxaan ku jeclaa siday isugu hiilliyaan oo markii qof ama qoys iyaga ah xaafad wax lagu yeelo, intay is raacaan ayay dadkii kale isugu tegi jireen. Wuxuu yiri booliiska iyo dawladaha hoose (local councils) ayaa ogaaday adkaantooda oo xaafaddii la geli waayo oo kooxaha Jamaykaanka u badan ee daroogada gada booliiska iyo shaqaalaha dawladda u diidaan, waxaa la dejin jirey dhawr reer oo Soomaali ah.

Dhawr bilood ka dib siday ula dagaalayaan ayay xaafadda nabad ka dhigi jireen. Waxaa ugu darnaa ayuu yiri qaar dagaalladii Soomaaliya ku soo dhaawacmay oo dhutiya ama il la’ ayaa dagaalka ugu horrayn jirey.

Wuxuu yiri mid gaari bas ah oo gaadiidka dadweynaha ah wada ayaa isagoo rakaab aan badnayn wada arkay kuwo saaxiibadiis ah oo waddadii uu ka yimi u sii socda. Waxay u sheegeen in mid saaxiibkood ah qolo kale meel ku garaaceen oo ay hiillo u socdaan.

Intuu rakaabkii ku yiri basku cillad ayuu leeyahay ayuu dejiyey oo asxaabtiisii sii qaaday. Dagaalka qaybtiisii waa gutay.

Intaas Itoobiyaanku ii sheegay waxaan ku darayaa xaafadda Hayes ayaa dhammaadkii 90aadkii waxaa deggenaa nin Soomaali ah. Waagaas xaafadda caddaan ayaa u badnaa.

Ciyaal caddaan ah ayaa daaqad ka jebiyey isagoo ku maqan meel Hanwel ku taalley oo reerkoodu ku qayili jireen. Taleefan ayaa loogu sheegay isaguna kooxdii la qayilaysey ayuu soo kiciyey habeenkii oo waddadii uu deggenaa guriga geeska ugu xiga ka soo bilaabeen inay daaqad walba jebiyaan. Waxay is yiraahdeen kolley qabiilka caddaanka ah ee xaafadda dega ayaa idinka jebiyey ee ha kala soocina. Booliis ayaa loogu yeeray.

Raggaas dhutin jirey ee dhiigga lahaa hadda waa sii yaraanayaan.

Waxaa Diyaariyey: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media