(Kampala) 30 Agoosto 2021 – Waxaa 21-kii bishan dalka Uganda ku geeriyoodey Jeneraal Paul Lokech oo lagu naanaysi jirey “Libaaxa Muqdisho”, kaasoo Sabtidii dhowaa lagu aasay dalka Uganda, balse waxaa taagan dood ku saabsan waxa uu sababsaday.
Jeneraalka oo markii uu dhimanayey 55-jir ahaa, ayaa horkacayey howlgalkii Shabaabka Xamar looga saaray 2011-kii, isagoo halkaa ku kasbaday magaca “Libaaxa Muqdisho”.
Jeneraal Lokech oo haatan markii uu dhimanayey muddo 8 bilood ah hayey xilka Ku Xigeenka Dembibaaraha Guud ee dalkaasi Uganda, ayaa waqaadka Daily Monitor ee Uganda kasoo baxa wuxuu war ka keenay geeridiisa.
Wuxuu daliil usoo qaatay wargaysku, in la sheegay in inuu Jeneraal Lokech sababsaday dhiigga oo xinjiroobey xilli aan weli baaritaan rasmi ah (autopsy) lagu samaynin maydkiisa.
“Dadka Uganda waxay ilaa hadda is weydiinayaan sida ay dadkaasi durba uga war heleen sababta geerida jeneraalka, tiiyoo aan wax baaritaan rasmi ah la sameyn.” ayaa lagu qoray wargayska.
Wargeyska Daily Monitor ayaa intaa raaciyey in la tuhmayo in Madaxweyne Museveni uu ka dambayn karto dilka “Libaaxa Muqdisho”, maadama uu ahaa nin culus oo ay jidadkoodu is goyn karaan, isla markaana uu horay sidan dadban oo kale uu ugu diley dad ay is qabteen ama uu halis u arkay.
Hadalsame Media