”Waxaan dalbanaynaa doorasho daah-furan!” – Beesha Caalamka oo saluugtey hab-raacii lasoo saaray

0

(Muqdisho) 25 Agoosto 2021 – Beesha Caalamka ayaa War Saxaafadeed rasmi ah kasoo saartay shirkii ay dhowaan Muqdisho ku yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo laga soo saaray hab-raac doorasho oo muran siyaasadeed oo badan dhaliyey.

Hab-raacan ayaa waxaa wada diidey Midowga Musharaxiinta, Ururrada Bulshada Rayidka iyo xitaa dadka waxgaradka ah ee doonaya in dalku yeesho wax nidaam hufan lagu tilmaami karo, si dhibaato cusub looga fursado tii horena looga dawoobo.

Haatan, beesha caalamka ayaa iyaduna war kasoo saartay shirkaasi ay yeesheen RW DF Somalia iyo madaxda Maamul-goboleedyadu, iyadoo waloow ay soo dhoweysey misna soo jeedisey in wixii khaldan la turxaan bixiyo si loo taageero.

Halkan ka akhri War Saxaafadeedka oo dhan:

”Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* ayaa soo dhoweeyay shirka Madasha Wadatashiga Qaran (MWQ) ee 21 iyo 22 Agoosto, waxayna bogaadiyeen wadatashigooda joogtada ah si horey loogu wado hanaanka doorashada,” ayaa lagu bilaabay.

”Tiiyoo la xusuusanayo in 24% ay kuraasta Aqalka Sare ay ilaa iyo hadda haween ku guuleysteen, waxaan ku baaqaynaa in dadaallada la laba-laabo si loo gaaro qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiiba 30 ee kuraasta labada Aqa lee Baarlamaanka ay haweenku helaan.” ayaa lagu soo afjaray.

Hadalsame Media