DEG DEG: Midowga Musharrixiinta oo gebi ahaanba diidey hab-raacii laga soo saaray Doorashada Aqalka Hoose

0

(Muqdisho) 23 Agoosto 2021 – War haatan kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu diidey hab-raacii dhowaan ka soo baxay Golaha isku magacaabay Wadatashiga Qaranka oo ka kooban 5 nin oo madax ka ah 5 Maamul-goboleed & Gobolka Banaadir oo goobjoog uun ah.

Hab-raacan ayaa ku saabsanaa qaab maaraynta doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ama haddii si kale loo yiraahdo Aqalka Hoose ee DF Somalia.

Yeelkeede, Midowga Musharrixiinta ayaa saluugey hab-raacan oo ay ku tilmaameen inuu khilaafsan yahay Dastuurka dalka iyo heshiiskii 27-kii Maajo oo dhigayay in doorashooyinka ay ku dhacaan si cadaalad ah isla markaana oo xor iyo xalaal ah.

Ragga ku midaysan Midowga Musharaxiinta ayaa waxyaabaha ay dalbanayaan waxaa ugu horreeya in 135 Odayaasha Dhaqanka ihi ay saldhig u noqdaan soo xulista ergooyinka dooranaya Xildhibaannada Aqalka Hoose oo aanay noqon wax ay soo qortaan dhowr nin.

Hadalsame Media