Wasaaradda Beeraha & Waraabka DF Somalia oo lagu wareejiyey gaadiid muhim ah oo kala nooc ah + Sawirro

0

(Muqdisho) 19 Agoosto 2021 – Waxaa Muqdisho maanta lagu qabtay munaasabad agab wareejin ah oo ay agaasintey Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ugu qaybsan QM isla markaana ay goobjoog ka ahayd Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka DF Somalia.

Waxaa munaasabadda loo qabtay si DF Somalia loogu wareejiyo gaadiid ay ku deeqeen Ururka Midowga Afrika oo ka koobnaa 12 mooto, 6 cagaf cagaf iyo 4 gaari oo ah Toyota dusha ka furan.

Gaadiidkan ayaa loogu tala galay in loo adeegsado dhanka beeraha isagoo qayb ka ah qorshaha mug dhisidda loo samaynayo hay’adaha DF Somalia ee ku burburay dagaallada sokeeye.

”Agabkani wuxuu sare u qaadayaa qorshaha ay DF ku doonayso kordhinta wax soo saarka beeraha.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hay’adda FAO.

Hadalsame Media