RW Rooble oo qaaday tillaabo wiiqaysa hab-raacii Guddiga Doorashada heer Federaal

0

(Muqdisho) 19 Agoosto 2021 – Xafiiska RW Rooble ayaa waxaa kasoo baxay qoraal u muuqda mid burrinaya hab-raacio cusbaa ee maalin dhowayd kasoo baxay Guddiga Doorashada Federaalka.

Hab-raacaasi ayaa waxaa isku khilaafay isla Guddiga taasoo kicisay dood ku saabsan inaan Guddiga laftiisu hab-raac iyo xeer hoosaad lahayn.

“Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa si rasmi ah uga furmaya Afisyoone maalinta Sabtida 21-ka Agoosto, 2021,” ayuu u dhignaa war kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

“Kulanka oo uu shir guddoomin doono R’iisul Wasaare Rooble waxa lagaga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.” Ayaa la daba dhigay.

Hadalsame Media