
(Nairobi) 18 Agoosto 2021 – Kenya ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay in xaaladda cusub ee dalka Afghanistan ay meesha kasii saarto badeecooyin u iib gayn jirtey dalkaasi oo awalba hoos u dhacaysey sanadihii ugu dambeeyey dagaallada ay Daalibaanku wadeen dartood.
Kenya ayaa Afghanistan u iib gayn jirtey badeeco ku kacaysa Sh14 bilyan oo shilin 2012-kii, balse waxay taasi kusoo ururtay Sh3.6 bilyan oo qura sanadkii tegey, kaddib xaalad hubaal la’aan ah oo uu dalkaasi muquurtay.
“Weli wax war ah ma hayno, balse waan ka hadli doonnaa arrintan.” ayay tiri Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaynta, Betty Maina.
Kenya ayaa Afghanistan u dhoofisa Kafeega, caleenta, xawaashka, dharka, balaastiigga, khudaarta, mashiinnada iyo waxyaabaha lagu qaaciyo badeecada. Caleenta shaaha ayaa 30% ka ah waxa ay u dhoofiso Afghanistan.
Kenya ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay inay gebi ahaanba meesha ka baxaan fursadohooda ganacsi ee aadka hoos ugu dhacay kaddib qabsiga dalkaasi ee kooxda Daalibaan oo 20 sano kaddib gacanta ku wada dhigtay Afghanistan.
Hadalsame Media